WASIIRKA XAFIISKA DOOXOOYINKA IYO HORUMARINTA WARAABKA DDS MUDANE #CABDIRAXMAAN CIID DAAHIR# AYAA CARABKA KU DHUFTAY AHMIYADA LOO AAS ASSAY WARSHADA MALABKA EE LAGA HIRGALIYAY FIIQ

Wasiirka xafiiska horumarinta waraabka iyo dooxoyinka mudane:#abdirahman #ciid #dahir ayaa ka war-bixiyay ahmiyada loo aas-aasay warshada malabka ee Fiiq.waxuu wasiirku sheegay in ahmiyadu tahay in shaqo abuur loo sameeyo bulshada iyadoo shaqo abuurku uusan ahayn oo kaliya dadka ka shaaynaya warshada ee ay tahay kuwa iskaashatooyinka ee soo saaraya malabka oo gashiga u noqonaya warshada halkaasna faa’iido ka helaya.Hadaba iyadoo taas laga duulayo ayuu xafiisku tabobaro siiyay iskaashatooyin ka kooban 46 iskashato sidoo kalena xafiisku ka caawiyay qalabka Gaagurta.warshadan ayaa maalinkii qasacadayn karta malab dhan 2000 Kiilo.warshadan ayaa la filayaa marka ay shaqada bilawdo in wax wayn ka badali doonto qorshayaasha kor loogu qaadayo kaabayaasha hormarineed iyo kuwa dhaqan dhaqaale ee bulshada deegaanka iyo kuwa dalkaba

W. Q/ ( Muktar Bashir Aden)
HORN PEACE PRESS Author
XIGASHO: Xafiiska Dooxooyinka iyo horumarinta waraabka DDS
( Agaasinka waaxda xidhiidhka dad-waynaha ee  xafiiska Dooxooyinka iyo horumarinta waraabka DDS )
Qureesh Haybe Duraan

One response to “WASIIRKA XAFIISKA DOOXOOYINKA IYO HORUMARINTA WARAABKA DDS MUDANE #CABDIRAXMAAN CIID DAAHIR# AYAA CARABKA KU DHUFTAY AHMIYADA LOO AAS ASSAY WARSHADA MALABKA EE LAGA HIRGALIYAY FIIQ”

Design a site like this with WordPress.com
Get started